4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2017
Xildhibaannada maamulka gobollada dhexe oo lagu dhaariyay degmada Dhuusa-mareeb [Sawirro]


Talaado, Janaayo, 10, 2017 (HOL) – Waxaa markii ugu horeysay degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah gobollka Galguduud lagu dhaariyay xildhibaano uu yeellanayo maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca.

Maamulka ayaa maalintii shalay Dhuusa-mareeb kaga dhawaaqa golle baarlamaanka oo ka kooban 65 xildhibaan kuwaa oo soo xulistooda ay qaadatay sida ay sheegeen saraakiisha maamulka in ka badan lix bilood.

Xildhibaannada ayaa noqonaya kuwo ku yimid hab xulitaan ah, waxaana ka qeyb-qaatay soo xulistooda ergo loo saaray iyo odayaasha dhaqanka deegaannada gobollada dhexe.

Dumarka ku jira baarlamaankan ayaa tiradooda lagu sheegay 10 xildhibaan, iyadoo guddoomiye loo doortay Sheekh Saadiq Sheekh Yuusuf Direed.

Ugu danbeyntii, maamulka Ahlu sunna ayaa si weyn uga soo horjeeda maamulka Galmudug, iyo siyaasada dowlada dhexe.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]