4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2017
Xiisad ka jirta Cadaado iyo xildhibaano cod u qaadaya xil ka qaadista madaxweynaha Galmudug

 

Talaado, Janaayo, 10, 2017 (HOL) – Xildhibaannada dowlad gobolleedka Galmudug oo ku shirsan magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah u ah dowlad gobolleedka Galmudug ayaa cod u qaadaya mooshin xil ka qaadis ah oo dhawaan laga keenay madaxweynaha maamulka Cabdikariin Xusseen Guulleed.

Fadhiga baarlamanka Galmudug waxaa shir guddoominaya guddoomiye ku-xigeenka koowaad Xareed Cali Xareed, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in baarlamaanka maanta cod u qaadayo mooshinka ka dhanka ah Cabdikariin Xusseen Guulleed oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, magaalada Cadaado ayaa lagu waramaya in ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee halkaa jira, kadib markii ciidamo ka tirsan nabad-sugida Soomaaliya isku dayeen in ay is hortaagaan fadhiga baarlamaankan, halka ciidamo kale oo ka tirsan booliiska ilaalinayaan fadhiga xubnaha gollaha baarlamaanka.

Lama oga natiijada ka soo bixin doonta kulanka ay leeyihiin xildhibaannada Galmudug oo horay u sheegay in ay kalsoonida kala laabanayaan madaxweynaha.

Arrimahan oo dhan ayaa imanaya xili magaalada Muqdisho ku maqan yihiin madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed iyo guddoomiyaha baarlamaaanka maamulkaas Cali Gacal Casir. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]