Diyaar-garoowgii ugu danbeeyay ee doorashada guddoonka baarlamaanka oo socta
Talaado, Janaayo, 10,
2017 (HOL) – Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya diyaar-garoowgii ugu
danbeeyay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wado in ay dhacdo 11bishan Janaayo oo
ku beegan maalinta berri ah.
Doorashadan oo noqoneysa mid xiiso gaar ah leh marka la eego musharixiinta ku hardamaya ayaa
guddoomiyaha baarlamaanka waxaa u taagan oo isku arki doona xildhibaan
C/rashiid Max’ed Xidig, Prof Max’ed
Cismaan Jawaari, C/fitaax Max’ed
Ibraahim (Geeseey) iyo Idiris Aadan Dhakhtar.
Labada musharax ee loogu hadal heynta badan yahay ayaa kala ah xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig iyo
Prof Jawaari oo loo maleynayo in loolanka ugu adag uu dhax mari doono.
Musharixiinta u taagan xilka guddoonka baarlamaanka oo
gaaraya 22 xildhibaan, waxaa ka mid ah
guddoomiye ku-xigeennadii hore ee baarlamaanka
Jeylaani Nuur Iikar, iyo Mahad Cabdalla Cawad oo mid walba oo ka mid ah mar kale isku soo
taagay xilkii uu horay uga hayay baarlamaanka.
Dad badan ayaa rumeysan in doorashada maalinta berri ah ka
dhici doonta gollaha shacabka saadaal ka sii bixin doonto cidda noqoneysa
madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.
Maanta oo Talaado ah ayeey musharixiinta watigooda ugu badan
ku qaadan doonaan olalahooda doorasho, madaama maalinta berri ah mid walba oo
ka mid ah u soo diyaar-garoobi doono doorashada oo ah mid siweyn isha loogu
wada hayo natiijada ka soo baxda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]