4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2017
Qof haraad iyo gaajo ugu geeriyooday deegaanka Kalajeex oo hoos taga degmadda Caynaba

Talaado, Janaayo ,10, 2017 (HOL)-   Gabadh yar oo sideed jir ah ayaa deegaanka Kalajeex ee degmadda Caynaba hoos timaadda ugu geeriyooday oon iyo gaajo; waxaa kale oo iyaguna qarka u saaran caruur iyo dad waaweyn oo deegaankaasi ku nool.

 

Alla ha u naxariistee Gabadhan yar ayaa magaceedda la odhan jiray Farax Maxamuud Xuseen, waxaana da’deedda lagu sheegay sideed jir, waxaana qoyska gabadhani ka geeriyootay ay sheegeen in muddo dhawr iyo toban cisho ah aanay wax cunin, halka caruur hooyadda jaqayey ay sheegeen in naas aan cunto helin uu ilmihii nuugayo oo lagu aamusiinayo.

 

“waxaanu nahay qoyskan inanta yari ka geeriyoogay, waxaanay u geeriyootay gaajo iyo oon, haddii aan gurmad degdeg ah aan la helina waxa halis ugu jira caruur yaryar iyo kuwo waaweyn oo dhawr iyo toban cisho waxba cunin”ayey tidhi hooyo ka mid ah qoyskan inantu ka geeriyootay.

 

Abaarta baahsan ee ka jirta goboladda goboladda Bariga Somaliland ayaa sabab u ah in markii xoolihii dhamaadeen ay dadkiina qarka u saaran yihiin in oon iyo macaluul darteed u geeriyoodaan, waxaana walaac xoogan laga muujiyey deegaanada saraar oo hadii aan gurmad degdeg ah lala soo haadhin halis galin karta inay dad badan u naf waayaan.

 

Duruufta ka iyo luufluufka ka muuqata dadkan abaaruhu ku raageen oo nafaqo daro iyo macaluul wehel u noqday, waxaanay dadkani noqdeen uun lafo isa sudhan, waxaana darxumada ka muuqda aanay indhuhu eegi Karin.

 

Abaartan ayaa ka sii daraysa iyadoo deegaanadii ladnaana markii xoolo dhaqate kale ku soo hayaameen noqotay xaaluf aanay xooluhu waxba ka goysan Karin.

 

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.