4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2017
Shacabka ku dhaqan qaar kamid ah degmooyinka Jubaland oo u dabaaldegay Guusha Farmaajo
Arbaco, Feberaayo, 08, 2017 (HOL) –
Arbaco, Feberaayo, 08, 2017 (HOL) –Inta badan degmooyinka ay gacanta ku heeyso dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa caawa looga dabaaldegay guusha uu gaaray madaxweeynaha cusub ee dalka Mudane Max'ed C/laahi Farmaajo, kaa oo kusoo baxay doorashadii madaxtinimo ee maanta ka dhacday dalka.

Magaalooyinka Kismaayo, Dhoobleey, Garbahaareey, Baardheere, Doolow iyo degmooyin kale oo dhowr ah ayaa caawa shacabka ku dhaqan ay u ahayd habeen farxadeed, ayagoo isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalooyinkaasi si ay u muujiyaan taageeradooda ku aadan hogaanka cusub ee dalka.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa ka mid ahayd goobaha sida weyn looga dabaaldegay.

Kahor inta aysan gudigu ku dhawaaqin Natiijada, ayaa waxaa mar qura magaalada Kismaayo is qabsatay rasaas dabaaldeg ah, ayadoo shacabku ay isugu soo baxeen wadooyinka si ay u muujiyaan dareenkooda.

"Caawa waa habeen farxadeed, waa habeen taariikhi ah, waxay noola mid tahay habeenkii la taagay calanka Soomaaliyeed ee uu dalka Xoroobay," sidaa waxaa yiri C/laahi C/risaaq Warsame oo kamid ah dhalinyarada reer Kismaayo ee u dabaaldageeysay guusha uu gaaray Madaxweeynaha cusub ee dalka Mudane Max'ed C/laahi Farmaajo.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa u aragta madaxweeynaha cusub ee la doortay in uu yahay shaqsi wadani ah, islamarkaana wax ka badali kara marxaladda uu haatan ku jiro dalka, ayagoo si gaar ah ugu amaana in uu yahay nin ka damqada dibandaabyada shisheeyuhu la damacsanyahay dalka, islamarkaana u roon shacabka iyo ciidamada u taagan sugidda amniga dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.