4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2017
Madaxweeynaha Jubaland oo hambalyo u diray madaxweeynaha cusub ee dalka

Arbaco, Feberaayo, 08, 2017 (HOL) –Madaxweeynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Jubaland ayaa hambalyo u diray madaxweeynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo oo maanta ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday dalka.

Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay hannaanka ay u dhacday doorashadii maanta, isagoo sheegay in ay muujineeyso sida dalka Soomaaliya uu ugu talaabsaday horumar dhanka fahanka dowladnimada.

Waxa uu u hambalyeeyay Madaxweeye Farmaajo, isagoo sheegay in ay la shaqeyn doonaan islamarkaana garab ku siin doonaan sidii uu u gudan lahaa xilka culus ee uu qabtay.

“Waxaan shirkan u qabtay in aan u hambalyeeyo shacabka Soomaaliyeed iyo baarlamaankiisa, guusha ay gaareen, iyo doorashadii xalaalka ahayd ee maanta ka dhacday dalka, ee uu ku guuleystay Madaxweeyne Max’ed C/laahi Farmaajo,” ayuu madaxweeynuhu hadalkiisii raaciyay.

Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa ahayd mid ay si toos ah ula socdeen bulshada Soomaaliyeed ee nool dalka iyo daafaha caalamka, ayadoo bulshada ku dhaqan guud ahaan gobollada ay intooda badan si weyn ugu dabaaldegeen guusha Madaxweeynaha cusub ee dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.