4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 8 , 2017
Max’ed C/llaahi Farmaajo oo noqday madaxweynaha Soomaaliya

Arbaco, Feberaayo, 08, 2017 (HOL) –Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi u xaqiijiyay in uu noqday madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu wareegii saddexaad ka tanaasulay madaxweynihii hore Xassan Sheekh Max’uud.

Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegii labaad ku soo baxay 184, hasse ahaatee markii loo diyaar garoobay wareegii saddexaad ayaa waxaa ka tanaasulay doorashada Xassan Sheekh Max’uud oo helay codad dhan 97, halka Shariif Sheekh Axmed uu helay 46 cod.

Ugu danbeyntii, waxaa lagu dhawaaqay in madaxweynaha Soomaaliya afarta sanno ee soo socta uu noqonayo Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]