4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2017
BELEDWEYNE : labo ruux oo ku dhaawacantay bam lagu weeraray goob makhaayad ah

Arbaco, Feberaayo, 08, 2017 (HOL) – Bam kuwa gacanta laga tuuro ah ayaa galabta lagu weeraray goob makhaayad ah magaalada Beledweyne.

Labo qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Bam gacameed lagu soo tuuray goobta makhaayada ah.

Ciidamada ammaanka magaalada Beledweyne  oo halkaas tagay ayaa baaritaano xoog leh ka sameeyay xaafadda Xaawo Taako ay ku taallo maqaakhadya weerarka lagu qaaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]