4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2017
Cumar C/rashiid oo ka tanaasulay wareega labaad ee doorashada

Arbaco, Feberaayo, 08, 2017 (HOL) – Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar Cbadirashiid Cali Sharmaarke ayaa shaaca ka qaaday in uu ka tanaasulay doorashada madaxweynaha Soomaaliya uu usoo gudbay wareega labaad.

Waxaa uu tilmaamya ra’iisal wasaaraha uu go'aansaday in uu tanaasulo kana haro tartanka, isaga oo kula kaftay xildhibaannada in uu dareemayo halka uu u badan yahay guuxa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya taa oo si kala duwan loo fasirtay.

Ugu danbeyntii,  wareega labaad ee doorashada ayaa waxaa ku tartamaya musharixiinta Xassan Sheekh Max'uud, Max'ed Cabdullaahi Farmaajo iyo musharax Shariif Sheekh Axmed

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]