4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2017
Akhriso magacyada musharixiinta u gudbay wareega labaad ee doorashada

 

Arbaco, Feberaayo, 08, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw soo gabo gabowday codeynta wareega hore ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay ku tartamayaan 21 musharax.

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa bilaabay tirinta codadka Xildhibaanada, waxaana la filayaa wareega hore ee doorashada in ay ku haraan inta badan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Waxaa u gudbay wareega labaad ilaa afar musharax oo kala ah Xassan Shekh Max'uud oo halay 88 cod, Max'ed C/llaahi Farmaajo oo helay 72 cod, Shariif Sheekh Axmed oo helay 49 cod iyo Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo isaga haley 37 cod.

Ugu danbeyntii, doorashada ayaa la tilmaamayaa in ay noqon doonto mid adag oo ugu dambeyn lagu kala baxi doono wareega sedexaad, walina lama ogaan karo musharaxa ku guuleesan doono.

Natiijada doorashada waan idin soo gudbin doonnaa... 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]