4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 8 , 2017
Codbixinta xildhibaannada labada aqal oo goor dhaw bilaabatay

 Arbaco, Feberaayo, 08, 2017 (HOL) - Waxaa hadda xaruntii hore ee ciidamada Cirka ee Afisiyoone  ka bilaabatay doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartamayaan 21 musharax.

Guddoomiyaha hay’adda culimadda Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa wacdi dardaaran ah u horjeediyay xildhibaanada Soomaaliya iyo musharaxiinta waxaana uu ugu baaqay in codka ay siiyaan shaqsi Soomaaliya badbaadin kara.

Intaa kadib ayaa kalfadhiga koowaad Kulankiisa 7-aad ee baarlamaanka Labada Aqal waxaa lagu furay heesta astaanta calanka.

Guddoomiyaha golaha shacabka Prof Jawaari ayaa sheegay in kulanka oo ay joogaan 328 mudane uu furan yahay,waxaan hoolka lagu dhaariyay afar xildhibaan oo labada aqal ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]