4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2017
Musharax ka tanaasulay tartanka doorashada madaxweynaha

Arbaco, Feberaayo, 08, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ayaa goor dhaw shaaciyay in Sakariye Max’uud Xaaji Cabdi uu ka haray taranka doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Musharixiinta ilaa iyo hadda la filayo in ay ku tartamaan doorashada ayaa hada waxaa isugu soo haray 21 musharax, lamana oga in daqiiqadaha soo socda ka hor codbixinta tanaasulaan musharixiin kale.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in goobta doorashada ay ku sugan yihiin 328 mudane oo ka tirsan labad gole ee dowladda oo dhamaantood ka qeybgali doona doorashada.

Daqiiqadaha soo socda ayaa la filayaa in ay bilaabato codbixinta xildhibaannada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]