4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2017
Doorashada oo la filayo in ay goor dhaw bilaabato iyo musharixiinta oo ku wada sugan goobta doorashada

 

Arbaco, Feberaayo, 08, 2017 (HOL) - Xarunta doorashada ee Afisiyooni waxaa goor dhaw ka bilaabatay doorashada madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo daqiiqdaha nagu soo foolka leh la bilaabayo in loo yeero xildhibaannada si ay codadkooda u dhiibtaan.

Waxaa xaadir ku ah goobta doorashada xiligan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray 22 musharax kadib markii ay tanaasuleen labo musharax.

Waxaa sidoo kale xarunta ku sugan xildhibaannada labada gole oo dhamaantood ka qeyb-galaya codbixinta doorashada.

Mar walba wixii ka soo kordha doorashada halka kala soco. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]