4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2017
Muqdisho: Waddooyin iyo meherado waaweyn oo maanta doorashada darteed u xiran

Arbaco, Febraayo 08, 2017 [HOL]-Waxaa maanta la filayaa in caasimada Muqdisho gaar ahaan xerada Afisyoone ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha.

Guud ahaan 329 xildhibaan oo kakala socda aqalka hoose iyo aqalka sare ee baarlamaanka ayaa maanta lagu wadaa inay gudaha Afisyoone ku doortaan madaxweynaha.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay si doorashada inta ay socoto loo baajiyo wax dhibaato ah.

Si kastaba ha ahaatee xalay hoobiyeyaal  lagu gamay qeybo ka tirsan Muqdisho ayaan cidi waxba ku noqon.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labo hoobiye ay ku soo dhaceen garoonka diyaaradaha ee Aden Abdulle.Mid kale ayaa lagu soo waramay inuu ku dhacay Xamar Weyne.  

Sidoo kale ayaa Nambar 4 waxaa laga maqlay qarax weyn ayadoo guud ahaan hoobiyeyaasha dhawaqooda caasimada Muqdisho oo dhan laga maqlay.

Si kastaba ha ahaatee, wararka saaka soo gaaray Hiiraan Online ayaa sheegaya in dheemish ay ahaayeen ee aysan ahayn hoobiyeyaal noolnool.

Dhanka kale waddooyinka iyo meheradaha muhiimka ah ayaa xiran caasimada doorashada darteed si ammaanka loo adkeeyo.

Kumanaan ciidamo ah ayaa waddooyinka lasoo dhoobay kuwaasoo gaaf wareegaya waddooyinka waaweyn iyo qeybaha muhiimka ah ee caasimada.

Xalay ayaa hooteelada waaweyn waxaa kasocday olole darafyada kala duwan ay ku kala qalqaalsanayeen codadka ay xildhibaanadu dhiibanayaan maanta.

Haatan oo aanu warbixintaan qoreyno ayaa xildhibaanadu soo xaadireen hoolka doorashada waxaana ay buuxinayaan liiska soo xaadiridda ama attendance sheet.

Doorashada ayaa la filayaa inay bilaabato saacado ka dib.  

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]