4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2017
Eedeymaha musuqmaasuqa hareeyay doorashada oo aan caddeyn loo heyn

 

Arbaco, Febraayo 08, 2017 [HOL]-Eedeymo kusaabsan in musuqmaasuq uu hareeyay doorashada madaxweynaha oo codadka laga gadanayo xildhibaanada wax dooranaya ayaan caddeyn loo heyn.

Waxaa sidoo kale aan caddeyn loo heyn in  faragalin shisheeye ay jirto. Waa un tuhun oo labadaa arinba tuhuno ayunbaa ka jira dhankooda.

Guud ahaan 329 xildhibaan oo kakala socda aqalka hoose iyo aqalka sare ee baarlamaanka ayaa maanta lagu wadaa inay gudaha Afisyoone ku doortaan madaxweynaha.

Walow markii hore la diiwaan gashay ilaa 24 waxaa haatan isu soo haray 22 murashax maadaama labo ay ka tanaasuleen murashaxnimadooda.

Dhammaan murashaxiintaa ayaa rag ah ayadoo labo dumar ah oo midood lagu magacaabo Faadumo Dhayib ay isaga hareen doorashada ka hor intii 24ka murashax aanba liiskooda la qorin.

Si kastaba ha ahaatee labada aqal markii laisku daro ayaa dhowr iyo labaatan cod ay ku leeyihiin dumarku.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]