4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2017
Warqad hanjabaad ah oo loo diray Masjid ku yaala magaladda Minneoples

 Arbaco, Feberaayo, 08, 2017 (HOL) – Warqadan Hanjabada ah ee uu soo diray nin ku sugan Magaaladda Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu u soo diray Masjid ku yala Magaalada Minneoples gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka  Masjidkas oo ay gacanta ku hayaan dad Somali ah.

Seddex Bog ayay ka kobneed Warqadan Loo so diray Majidka Imaamu Shafici,waxaana hadda Gacanta ku haya Warqadasi Sheikh C/qani Qardaawi oo ah Imaamka Masjida.

Waxa uu sheegay Imaamku in Warqad ay ku qornayeen Erayo Hanjabaad ah iyo hadalado la xiriira Islam Neceyb.

Ninka soo Qoray warqadan ayaa waxa Tusaale ahaan ku soo qatay weeraradii ka dhacay dalka Mareykanka sanadki 2001 iyo falalkii kale ee ka dhacay gudaha dalka Mareykanka.

Ninka Warqaqda soo diray ayaa Sheegtay in uu ka tirsanyahy urur magiciisa la yiraahdo qiimaha kiristank iyo Yuhuuda.

Ugu dambeyntii warqada loo diray Masjidka Imaam Shaafici ayaa waxaa ku qornaa in Soomaalida iyo waliba Musliminta kale ay aadaan wadamada ay joogaan koxda ISIS, hadii taasi ay dhici weydana la kulmi doonaan ciqaab adag.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]