4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2017
Muqdisho: Hoobiyeyaashii xalay oo cidi aysan waxba ku noqon

Arbaco, Febraayo 08, 2017 [HOL]-Hoobiyeyaal xalay  lagu gamay qeybo ka tirsan Muqdisho ayaan cidi waxba ku noqon.

Hoobiyeyaasha ayaa la ganay ayadoo doorashada Soomaaliya ee madaxweynenimada uu waqti yar ka harsan yahay. Doorashada ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo Afisyoone oo ku dhaggan garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah Aden Abdulle maanta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labo hoobiye ay ku soo dhaceen garoonka diyaaradaha ee Aden Abdulle.Mid kale ayaa lagu soo waramay inuu ku dhacay Xamar Weyne. 

Sidoo kale ayaa Nambar 4 waxaa laga maqlay qarax weyn ayadoo guud ahaan hoobiyeyaasha dhawaqooda caasimada Muqdisho oo dhan laga maqlay.

Si kastaba ha ahaatee, wararka saaka soo gaaray Hiiraan Online ayaa sheegaya in dheemish ay ahaayeen ee aysan ahayn hoobiyeyaal noolnool.

Dhanka kale waddooyinka iyo meheradaha muhiimka ah ayaa xiran caasimada doorashada darteed si ammaanka loo adkeeyo.

Kumanaan ciidamo ah ayaa waddooyinka lasoo dhoobay si ammaanka loo adkeeyo.

Doorashada ayaan ahayn qof iyo cod balse waxaa madaxweynaha dooranaya xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]