4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2017
Dabley subaxnimadii hore ee saakay weerar ku qaaday hoteel ku yaala magaalada Boosaaso

 Arbaco, Feberaayo, 08, 2017 (HOL) – Koox hubeysan ayaa subaxnimadii hore ee saakay weerar culus ku qaaday hoteel ku yaala magaalada Boosaaso ee gobolka Bari kadib markii sida warar soo baxaya sheegayaan toogasho ku dileen qaar ka mid ah ilaalada hoteelka.

Hotelka la weeraray oo lagu magacaabo International Village ayaa sida ay goob joogayaal u xaqiijiyeen Idaacada VOA –da waxaa ku dhintay lix ruux oo isugu jiray ilaaladii hotelka, qaarka mid ah martidii degeneyd iyo dableydii weerarka soo qaaday.

Ilaa hada  lama sheegin khasaare intaa dhaafsiisan iyadoo la maqlay rasaas xoog leh oo ay is weydaarsadeen kooxaha weerarka soo qaaday iyo ilaalada hoteelka.

Faah faahinta warkan waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]