4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 8 , 2017
Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhaw ka bilaabaneysa magaalada Muqdisho

 Arbaco, Feberaayo, 08, 2017 (HOL) -   Garoon dhaw oo maanta ayaa la filayaa in ay ka bilaabato magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta ciidamada cirka ee Afisiyooni doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ilaa iyo hada ay u sharaxan yihiin 22 musharax, kadib markii ay tanaasuleen ilaa labo musharax oo markii hore is diiwaangaliyay.

Guddoomiyaha gudiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in wax walba diyaar yihiin dhawaanna la bilaabi doono sidii xildhibaannada iyo martisharafta kale loo gaarsiin lahaa goobta doorashada.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay waxaa la xadiday dhadhaqaaqa dadka iyo gadiidka caasimada, marka laga reebo gadiidka ay istimcaalayaan ciidamada amniga sugaya.

Guddoomiye Beyle ayaa sheegay in ay jiraan sharuudo la soo saaray oo la xiriira bartikoolka goobta doorashada, gaar ahaan waxaa uu sheegay in la mamnuucay isticmaalka telleefoonka gacanta ee Mobel -ka , isaga oo sheegay in ay arintaa u sameynayaan sababo la xiriira dhinac amniga.

Marka laga soo tago musharixiinta iyo xildhibaannada labada aqal ee wax dooranaya ayaa sidoo kale waxaa goobta doorashada tagi doona wariyayaal Soomaali iyo ajnabi intaba leh, wafuud heer caalami ah iyo goob joogayaal la socon doona hadba dhaqdhaqaaqa doorashada iyo sida ay wax ku soo dhamaadaan, halka bulshada Sooomaaliyeed inteeda kale kala socon doonaan si toos ah doorashada warbaahinta leyska arko.

Ugu danbeyntii, saacadaha hore ee maanta ayaa la filayaa in ay bilaabato doorashada, inkastoo laga yaabo in waqti badan ay qaadato sugida amniga iyo sidii martida kala duwan loo soo dhaweyn lahaa.

Mar walba kala soco Hiiraan Online wararkii ugu danbeeyay ee doorashada oo hadba idiin soo gudbin doono natiijada doorashada iyo halka ay wax marayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]