4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2017
WARBIXIN : wararkii ugu danbeeyay doorashada madaxweynaha ee maalinta beri ah dhaceysa

 Talaado, Feberaayo, 07, 2017 (HOL) – Saacado oo kaliya ayaa ka harsan waqtiga loo balamay doorashada madaxweynaha Soomaaliya hogaamin doona afarta sanno ee soo socta oo 22 musharax isugu soo hareen kadib markii labo musharax ay sheegeen in ay isaga hareen tartanka doorashada.

Jidadka magaalada Muqdisho ee muhiimka ah ayaa gabi ahaanba xiran waxaa dadka inta awood karta ay maalayaan lugtooda, madaama aan la ogoleyn dhaqdhaqaaqa gadiidka dadweynaha.

Hoteellada waaweyn ee caasimada Muqdisho waxaa ka soconaya kulamadii ugu danbeeyay ee olalaha o musharixiinta xilka madaxweynaha ku xod xodanayaan xildhibaannada labada aqal oo maalinta beri ah kala saaraya 22ka musharax oo mid walba oo ka mid ah isku arko in uu yahay shaqsi mudan in uu dalka hogaamiyo afarta sano ee socta.

Doorashadan ayaa uga duwan kuwii ka horeeyay tirada xildhibaannada ka qeyb-galaya oo gaaraya 329 xildhibaan oo ka kooban labo aqal, taasoo ka dhigeysa in ay adag tahay wareegi hore in musharax uu helo codadka 2/3 guud ahaan xildhibannada codadkooda dhiibanaya.

Musharixiinta qaarkood ayaa u muuqda kuwo is baheysiyo sameysanaya si marka ugu danbeysa doorashada ay codadkooda isugu geeyaan musharaxa hela codadka ugu badan ka tirsan isbaheysiga.

Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa war ay soo saartay uga digtay xildhibaannada Soomaaliyeed in ay codkooda iibsadaan sida uu sheegay Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo arintaa ku tilmaamay mid aan ku wanaagsaneyn shareecada Islaamka.

Sidoo kale gudiga anshaxa ee dhawaan uu magacaabay baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhinacooda sheegay in ay si gaar ah diirada u saari doonaan in saacadaha lagu guda jiro doorashada la adeegsado wax ka baxsan anshaxa doorashada, gaar ahaan waxaa ay farta ku fiiqeen in codadka xildhibaannada lacag lagu kala iibsado, iyaga oo intaa ku darray in haddii ay arintan ka war hellaan la socod siin doonaan hay’adda ku shaqada leh si markiiba wax looga qabto.

Maalinta beri ah ayaa ugu danbeyntii la kala ogaan doonaa shaqsi ku soo baxa kursiga madaxweynaha Soomaaliya waxaana Hiiraan Online mar walba  ay si dhaw u la socon doontaa arimaha doorashada ilaa natiijada ugu danbeysa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]