4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2017
Maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadlay abaar ka jirta deegaano hoostaga degmada Beledweyne

Talaado, Feberaayo, 07, 2017 (HOL) – Guddoomiye ku-xigeenka degmada Beledweyne Cawaale Isaaq Cabdulle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay deegaanno hoosta degmada qaarkood xiligan ay ka jirto sida uu hadalka u dhigay abaar saameyn ku yeellatay dadka iyo duunyada intaba.

‘’Waxaan socdaal ku soo marnay dhul gaaraya 85km, runtii waxaan halkaa ku soo aragnay xaalad adag oo dhinaca nolasha ah, biyo la’aan, baad la’aan, caafimaadkii dadka oo aad u liita iyo nolal runtii aad u adag oo soo food saartay dadka ku dhaqan deegaannadii aan marnay’’ ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka degmada Beledweyne.

Waxaa uu sheegay in deegaannada dhibaatada ugu badan ay ka jirto oo ay booqdeen yihiin kuwa dhaca galbeedka degmada Beledweyne.

‘’Deegaannada aan soo marnay waxaa ugu badnaa kuwa dhaca galbeedka gobolka Hiiraan, oo runtii la oran karo waxaa saameyn adag ku yeelatay guud ahaanba abaarta ku dhufatay qeybo badan oo ka mid ah dalka’’ ayuu yiri Cawaale Isaaq Cabdulle.

Inkastoo abaartan ay ka dhalatay roobabkii la filayay oo la waayay dhowr xili oo is xig xiga. Ayaa haddana waxaa marka la eego xaalada uga sii daray wabiga shabeelle oo ay ku tiirsanayeen inta badan beeraleyda iyo dadka xoolaha dhaqatada ah oo gabi ahaanba gurray, taasoo keentay in nolasha ku adkaato dadka ku dhaqan deegaannada dhaca jiinka Wabiga.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa ugu baaqay hay’addaha samafalka iyo jaaliyadaha intaba in ay gargaar u fidiyaan dadka ku dhibaateysan qeybo ka mid ah gobolka oo waqtigan adag wajahaya xaalada abaarta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]