Garabkii xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xuseen oo si rasmiya ugu biiray xisbiga taladda haya ee KULMIYE
Talaado, Febraayo ,07, 2017 (HOL)-Garabkii xishiga UCID ee uu
hogaaminayey Jamaal Cali Xuseen ayaa si rasmiya ugu biiray xisbiga taladda haya
ee kulmiye, isla markaana sheegay in aqoon iyo kartiba ku biirin doonno.
Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay hoolka
wayn ee huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay hoggaanka
sare KULMIYE oo uu hormood u yahay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha
xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi, murrashaxii hore ee jagada Madaxweynaha UCID
Jamaal Cali Xuseen, maayarrada iyo xildhibaannada qaar ka mid ah magaalooyinka
dalka oo ka soo jeeday garabkii UCID, Guddoomiye-ku-xigeenkii labaad ee hore ee
xisbiga UCID Cali Guray, marwada kowaad ee Madaxweynaha Marwo Aamina-weris
Sheekh Maxamed Jirde, Marwadii kowaad ee Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum
Cigaal Marwo Kaltuun Xaaji Daahir, madaxdhaqameed iyo boqolaal qof oo isugu
jira haween iyo dhallinyaro ka mid ahaa taageerayaashii xisbiga UCID ee Jamaal
Cali Xuseen, iyadoo halkaasina lagu kala saxeexday heshiis mideeyey labada
dhinac.
Ugu horreyn,
Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ka
hadlay xafladda, ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiska dhexmaray xisbiga KULMIYE
iyo garabkii New UCID oo ka kooban qodobo ay isla meeldhigeen laba guddi oo
wadahadal yeeshay, kaas oo salka ku haya mabaadi’da guud ee Qaranka Somaliland
ku dhisanyahay iyo kuwa xisbiga KULMIYE gaarka u ah.
Murrashaxii hore ee madaxweynaha
ee xisbiga UCID Md. Jamaal Cali Xuseen oo isagu hoggaaminayey garabkan sida
rasmiga ah ula midoobay xisbiga KULMIYE oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa
shaaciyey in ujeeddadiisu ahayd sidii uu dalku guul u gaadhi lahaa, balse aanay
macno weyn u lahayn inuu gaadho hankii uu lahaa ee ahaa inuu dalka hoggaamiyo,
waxaannu yidhi, “Siyaasaddu kolba dhinac bay isku rogtaa, annaguna ka masuugi
mayno xisbiga KULMIYE haddii uu talada dalka qabto oo marka dambena uu Muuse
Biixi Cabdi ku fadhiisto kursiga, annagana xilligayaga uun bay iman doontaa,
dalka waxa aannu u doonaynaa maaha inaannu xukunka qabsano ama uu shakhsi ka
taliyee inuu dalka Somaliland hagaago ayaanu doonaynaa.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa
uu farriin u diray taageerayaashiisa, waxaannu ugu baaqay inay xilligan u
midoobaan sidii xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisu guul u gaadhi lahaayeen,
“Dadkii i taageerayey waxaan u sheegayaa inaanan tanaasuline qaranka nin u
shaqaynaya ayaan ahay qofka bani’aadamka ahina maaha inuu madax noqdo ee
Ilaahay baa xagga samada ka qora, aniguna haddii Ilaahay ii qaddaro waan tegi
doonaa, haddii kalena nin qaranka u shaqaynaya ayaan ahay oo wax allaale wax
dhibaato ah oo aniga isoo gaadhay ma jiraan, qofkii aad u aragto inay danta
qaranku ku jirto taageer, maantana KULMIYE, ayeynu cududeena isugu gaynayaa oo
ninkaa mujaahidka ah ee Muuse Biixi Cabdi ayeynu ku tun-tuunsanaynaa,” ayuu
yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey)
oo isagu hore xisbiga UCID u ahaa guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad, ayaa
sheegay in garabkii Jamaal Cali Xuseen ahaayeen laf-dhabarta xisbigoodii, isla
markaana iyagoo isku dhan ay si midaysan ugu biireen xisbiga KULMIYE, waxana uu
yidhi, “New UCID waxa uu galay halka Jamaal Galay, wax New UCID la yidhaahdo oo
meel kale galayna ma jirto, qolada leh shakhsi buu ku galayna waxan leeyahay
miyeydaan ka xishoonayn inaan tidhaahdaan garabkii Jamaal Cali Xuseen baanu
nahay, astaanta New UCID-na waa Jamaal Cali Xuseen ee aniga maaha.”
Maayarrada magaalooyinka Berbera
iyo Gabiley - Md. Cabdishakuur Maxamed Ciddin iyo Md. Maxamed-ammiin Cumar
Cabdi iyo xildhibaanno kale oo dhammaantood ka mid ahaa mudanayaashii
golayaasha degaanka uga soo baxay xisbiga UCID markii uu Jamaal Cali Xuseen
hoggaaminayey, ayaa shaaciyey inay ku qanceen ku biiritaanka xisbiga KULMIYE,
iyaga oo caddeeyey inay cuddooda iyo caqligoodaba la garab-geli doonaan sidii
uu xisbigaasi mustaqbalka mar kale talada dalka ugu soo noqon lahaa.
“Waxaannu aad iyo aad u soo dhawaynaynaa
garabka UCID ee uu hoggaaminayo murrashaxii hore Jamaal Cali Xuseen oo xoog iyo
aqoon gudo iyo dibadba innagu soo xoojiyey, waxaannu leenahay kal iyo laab ugu
soo dhawaada KULMIYE, waxaannan caddaynayaa inay saacaddaa dhammaantood si
rasmi ah uga mid yihiin xisbiga KULMIYE, maanta waxa magaalada Hargeysa ka jira
saddex dhacdo oo taariikhda geli doono, waa marka koowaad ee midi waa tan aynu
ku dabbaaldegayno ee garabkii iyo xooggii garabka New UCID uu ku soo biiray
xisbiga KULMIYE, waana dhacdo taariikhda gelaysa oo xusuus dadka ku reebaysa,”
ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.
Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu
halkaasi farriin soo dhawayn ah u diray Madaxweynihii hore ee Somaliland Md.
Daahir Rayaale Kaahin oo dib ugu soo laabtay dalka, kana soo degay madaarka
diyaaradaha ee Hargeysa.
Barkhad-ladiif M.
Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.