Madaxweyneyne Siilaanyo oo dalbaday fadhi wada jir ah oo iskugu yimaadaan labadda gole baarlamaan
Talaado, Febraayo ,07, 2017 (HOL)- Madaxweynaha
Soomaaliland Axmed Max'ed Max'uud Siilaanyo ayaa la sheegay in uu qoraal codsi ah usoo gudbiyey labadda
shirgudoon ee Baarlamaanka inay kulan iskugu yimaadaan bishan 2aad 12aad-keedda.
Guddoomiyaha golaha Wakiiladda
Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi CIrro oo warbaahintu wax ka
waydiisay codsigaasi madaxweynaha, ayaa sheegay in codsigaasi jiro, balse
waraaqda aanay ku jirin ajando cayiman balse lagu soo qoray uun labadda gole ha
iskugu yimaadaan, waxaanu sheegay in arrimo nabadgalyo uun lagaga hadli doonno
inay tahay.
Sidoo kale, gudoomiyaha Guurtidda
Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay adag tahay in war laga helaa ayaa isna sheegay
in aanu waraaaqdaasi arag balse xafiiska taallo, haseyeeshee waxa uu sheegay
inuu madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu codsan karo in labada gole iskugu yimaadaan.
Ugu horeyn gudoomiyaha golaha
Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo wax laga waydiiyey ajandaha qoraaalka madaxwenaha ku qoran inay
ku jirto kireynta saldhiga Militariga ee Berbera ee laga kiraynayo wadanka
Imaaraadka Carabta ayaa yidhi “way jirta codsi ka yimid madaxweynaha oo uu
labadda gole ka codsaday inay kulan iskugu yimaadaan, laakiin wax ku qoran oo
ajande ahi ma jirto, saldhigna kuma
qorna wax kalena kuma qorna ee arrimo nabadgalyo in laga hadlayo ayaa ku qoran,
marka Ajandaha ogaano ayuun baanu ka warami karnaa”.
Dhinaca kale, gudoomiyaha Golaha
Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan oo isagoo socda su’aallo lagu boobay ku
saabsan codsigan wuxuu daaran yahay ayaa inta badan ka gaabsaday, isla markaan
si diidmo ah kaga jawaabayey isago socda.
Haseyeeshee waxa uu sheegay in
waraaqdaasi la keenay xafiiska balse aanu wali arag, waxaanu sheegay inuu
madaxweynuhu xaq u leeyahay in uu codsan karo in labadda gole isku yimaadaan,
isagoo arrintaasi ka jawaabaya waxa uu yidhi “xafiiska way taallaa ayey ila
tahee anigu shalay waan maqnaaye,insha alla waan arki doonaa, ee maxaa idinka
idinka khuseeya,… xaq buu uleeyahay haddii u baahdo inuu iskugu yeedho, waa
qasab haddii uu madaxweynuhu codsado in la iskugu yimaaddo labadda golle”
Wararka laga helayo madaxtooyadda
ayaa sheegay in xukuumaddu doonayso inay baarlamaanka ka xalaalaysato
heshiishka ay Imaaraadka la gashay ee lagu kiraynayo madaarka Berbera oo
saldhig military ka dhigan doonto wadankaasi Imaaraadku, halka warar kalena
sheegayaan in madaxweynuhu ka jeedin doonno fadhiga labadda gole khudbad
sanadeedkiisii.
Barkhad-ladiif M.
Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.