4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2017
Musharax Faroole oo Doorashada Somalia isaga Haray, kana digay Fara-galinta Shisheeye

/images/2017/Feb/

Talaado, Feberaayo, 07, 2017 (HOL) –Madaxweynihii hore ee Puntland C/rixmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa maanta magaalada Muqdisho ka sheegay in uu ka tanaasulay u tartamid-da doorashada madaxweynaha Somalia oo la filayo in maalinta barri ah ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

“ Kol hadii ay musharaxiintii bateen, xildhibaanadii-na wareer ku dhacay ,waxaan soo jeedinayaa in arintaa wax laga badalo anigaana ugu horeeya oo ficilkaa wax ka qabanaya ,waxaana maanta go’aansaday in doorashada bari dhacaysa aan si shakhsiyan ah uga haro “ ayuu yiri C/rixmaan Faroole oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

“Waxaan ula jeeda in musharaxiinta kale ee isbadal doonka ah ay isa soo yareeyaan si ay u koobnaato dadka la dooranayo “ ayuu mar kale yiri Faroole oo ku eedeeyay hogaanka Puntland in ay isu badaleen dad u ololeeya xubno kamid ah musharaxiinta ka qayb-galaysa doorashada xilli Puntland ay ka jirto abaar daran sida uu sheegay.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowlado shisheeye ay fara –galin toos ah  ku hayaan doorashada Somalia oo uu sheegay in ay tahay  mid ka hor-imaanaysa madax banaanida dalkan oo ka soo kabanaya colaado sokeeye.

“In Qaran dhisan oo madax banaan doorashadiisi la maamulo oo waliba siyaasad ahaan loo soo dhex-galo  iyada oo musharaxiintii lala kala safanayo, taasi waa wax aan horey loo arag  una taal umad-da Somaaliyeed" ayuu xusay Faroole

Faroole oo ka mid noqonaya musharaxiin dhowr ah oo horey doorashada isaga haray ayaa xildhibaanada barlamaanka Somalia ugu baaqay in ay fikirkooda badalaan ,isla markaana aysan codkooda ku bixin qabyaalad iyo jimciyado gooni ah.

Ugu danbayn,C/rixmaan Faroole ayaa ugu baaqay dowladaha shisheeye in ay faraha kala baxaan masiirka umadda Somaaliyeed ,isaga oo u mahad-celiyay dadkii kala duwanaa ee ku soo dhaweeyey magaalada Muqdisho markii uu yimid. 

Faysal M. Hassan
[email protected]