4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2017
14 Soomaali ah oo lagu dilay Koofur Afrika laga soo bilaabo bilowgii 2017

 

Koofur Afrikaan alaab la raraya Soomaali mar dukaamo lasoo weeraray


Talaado, Febraayo 07, 2017 [HOL]-Laga soo bilaabo markii uu curtay sanadkaan wali curdanka ah ee 2017, waxaa dalka Koofur Afrika (South Africa) lagu dilay ugu yaraan 14 qof oo Soomaali ah.

Haatan ayaa jaaliyada Soomaalida ee kunool South Africa waxay sheegeysaa inay qorsheyneyso inay la kulanto booliska Cape Town. Waxaa jaaliyadu damacsan tahay inay booliska kala xaajooto dilalka iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Dilalkii ugu badnaa ayaa waxaa Soomaalida dhawaan loogu geystay galbeedka Cape ama Western Cape.

Asbuucii lasoo dhaafay saddex Soomaali ah ayaa isku mar lagu dilay khaas ahaan meesha loo yaqaano Khayelitsha oo ka tirsan Western Cape.

'Maahan markii ugu horeysay ee dilalku dhaceen. Celcelis sanad walba in ka badan 100 Soomaali ah ayaa lagu dilaa dalkaan. Kala bar boqolka waxaa lagu dilaa Western Cape'. Sidaa waxaa yiri Caamir Sheekh oo guddiga jaaliyada ka tirsan.

Soomaalida ayaa sheega in dadka Koofur Afrika ay u laayaan nacayb dartii laakiin iminka ayaa boolisku sheegayaa in dilalka qaar ay yihiin un falal dambiyeed.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]