4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2017
Labo kursi oo xubnaha aqalka sare ah oo lagu dooranayo magaalada Muqdisho

 Talaado, Feberaayo, 07, 2017 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta gaadiidka booliska ka dhici doonta doorashada labo kursi oo ah kuraastii ugu dambeysay ee xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya deegaannada maamulka Somaliland.

Guddiga doorashada dadban ee ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa sheegay in maanta doorashada Labada Kursi oo ah kuwii ugu dambeeyay ay ka dhici doonto Magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii, xubaha aqalka sare oo hadda ah 52 xubnood ayaa waxaa ku soo biiri doona labo Xubnood oo ka harsaneyd xubnaha ay qoondo ahaan u heleen dadka ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya,waxaana ay noqon doonaan 54 xubnood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]