4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2017
Musharixiin sheegay qaabka ay wajahayaan doorashada maalinta beri ah

Talaado, Feberaayo, 07, 2017 (HOL) – Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xalay isbaheysiga musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa looga wada hadlay sida ay u wajahayaan doorashada la filayo in maalinta beri ka dhacdo Muqdisho.

Ridwaan Xirsi Max’ed oo ah afhayeenka isbaheysiga musharixiinta xilka madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku hishiiyeen musharixiinta marka ugu danbeysa in ay codkooda siiyaan musharaxa ka tirsan gollaha ee codadka ugu badan hella.

‘’Kulan wada jir ah oo ay yeesheen gollaha isbaheysiga musharixiinta xilka madaxweynaha, waxaa leysku afgartay in codka loogu shubo musharaxa ka tirsan isbaheysiga ee codadka ugu badan hela’’ ayuu yiri afhayeenka gollaha musharixiinta xilka madaxweynaha.

Ridwaan ayaa sheegay in sidoo kale musharixiinta ku hishiiyaan haddii uu guuleysto mid ka mid ah musharixiinta ku jira isbaheysiga in uu soo dhiso dowlad ku dhisan sida uu hadalka u dhigay rabitaanka bulshada islamarkaana lagana talo-galiyay xildhibaannada labada aqal ee Soomaaliya.

Kulanka magaalada Muqdisho ay ku yeesheen musharixiinta ayaa qeyb ka ah olalihii ugu danbeeyay ee loogu diyaargaroobayo doorashada oo la filayo in ay maalinta beri ah dhacdo. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]