Daahir Rayaale “Somaliland khayr baan u rajaynayaa, doorashadana kii ilaahayna gartay uu ku soo baxo”
Talaado,
Febraayo ,07, 2017 (HOL)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale
Kaahin, oo muddo dalka dibadiisa ku noolaa ayaa dalka dib ugu soo laabtay.
Wariyeyaal
kaga hortagay madaarka magaaladda Hargeysa ee Cigaal international Airpor ayaa
isku dayey inay wax ka waydiiyaan xaalada wadanku marayo, haseyeeshee wuu ka
gaabsaday waxaanu ilaahay u baryey in dad iyo xawayaanka uu ilaahay roob uu
siiyey.
Daahir
Rayaale Kaahin ayaa u alla baryey in dadka abaartu saamaysay uu ilaahay
roob ku maansheeyo, isla markaana dad, xoolo iyo dugaagba uu ilaahay roob
siiyo.
“Ilaahay
roob ha inoo keeno, ilaahay abaartan umadda ha ka soo furto, ilaahaay roob
anfaca xayawaankiisa, Bani’aadankiisa, oo degdeg ah ilaahay ha inoo keenno,
ilaahow naxariistaada, ilaahow waan ku baryeynaa, ilaahow naga aqbal”ayuu
madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin umadiisa u baryey inuu abaarta ka
jabiyo.
Mar
la isku dayey in wax laga waydiiyo xaaladda wadanka iyo doorashooyinka soo
socda sida uu arko, waxa uu yidhi “Somaliland khayr baan u rajaynayaa, doorasho
fiicana inay u dhacdo, kii ilaahayna gartayna uu ku soo baxo”
Daahir
Rayaale ayaa jawaabtaasi bixiyey isagoo socod ku jira, waxaana ka gaabsaday
inuu war dheer ka bixiyo mudadda uu maqnaa iyo xaaladda wadanka uu ku jiro sida
uu arko, kaliya waxa uu ka hadlay abaarta jirta.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.