4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2017
Muqdisho oo gashay labo maalmood oo Bandow ah [Sawiro]

 Talaado, Feberaayo, 07. 2017 (HOL) - Magaalada Muqdisho ayaa gashay labo maalin oo bandaw ah oo aan wax isu socod iyo dhaqdhaqaaq ganacsi ka jirin doonin meelaha qaar, kaddib markii ay bilaabatay diyaar garowga doorashada Madaxweynaha oo lagu wado in maalinta berri ay dhacdo.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo si isku mid ah xaafadaha magaalada u saameysay howl galada amni sugid ee ka socda.

Ciidamo kala duwan ayaa la dhigay jidadka waa weyn ee magaalada, iyadoo meelaha qaar lagu gooyay dhagxaan iyo ciid, waxaana magaalada qeybo ka mid ah u ekaatay goob dagaal oo dhufeyso leh.

Waddooyinka Maka Al-Mukarama, Wadnaha iyo kuwa kale ayaa saaka wax gaadiid isticmaaleyn, waxaana isgoysyada taagan ciidamo kala duwan.

Isu socodka dadka ayaa ahaa mid caadi ah, waxaana ay maalayeen lugahooda, dad badan ayaa la arkayay iyagoo u lugeynaya goobahooda shaqo sida Suuqa Bakaaraha.

Gaadiidkii ka baxayay magaalada iyo kuwii soo galayay ayaa la joojiyay, waxaana arrintan saameyn ay ku yeelatay qudaartii iyo xoolihii magaalada la soo gelinyay.

Dadweynaha ayaa sii adeegtay oo qaarkood hilib ayay u sii iibsadeen maalinta berri oo laga yaabo inay dhacdo hilib la’aan.

Ugu danbeyntiim jawiga magaalada Muqdisho ayaa ah mid maalmihii la so dhaafay, cid walba ayaa u dhega taageysa xaalka sida uu u socda iyo doorashada beri dhici doonta iyo ugu danbeyntii, halka ay xildhibaannada Soomaaliyeed codkooda dhigaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]