4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2017
Doorashada madaxweynaha oo maalinta beri ah dhaceysa

Talaado, Feberaayo, 07. 2017 (HOL) - Dib u dhac marar badan oo jiitamayay kaddib maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya oo ay u taagan yihiin ilaa 23 musharax.

Doorashada ayaa la filayaa in lagu qabto xarunta ciidamada cirka Afisiyooni, kadib markii qaar ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha ka biyo diideen in doorashada lagu qabto xaruntii markii hore la qorsheeyay ee Jen Kaahiye, iyaga oo arintaa ku sababeynaya in aan lagu kalsoonaan karin dhaxdhaxadnimada xarunta kadib markii taliyaha booliiska Soomaaliyeed lagu eedeeyay in uu si toos ah u taageeray musharax gaar ah.

Soomaaliya ayaa maalinta beri ah oo Arbaca ah u tahay maalin taariikhi ah oo siweyn isha loogu wada hayo, madaama xildhibaano ka kooban 329 mudane soo xulayaan madaxweynaha hogaamin doona dalka afarta sanno ee soo socta.

Musharixiinta xilkan u taagan ayaa mid walba oo ka mid ah rajo weyn ka qabaa in uu ku soo baxo doorashada, inkastoo haddana dhinaca kale marka aad eegto jiraan musharixiin si gaar ah diirada u saaran tahay oo laga yaabo in wareega ugu danbeeya loolan adag uu dhaxmaro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]