4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2017
Prof Cabdi Ismaaciil Samatar’’ Waxaan ka ilaalineynaa doorashada in lacag loo adeegsado

 Isniin, Feberaayo, 06, 2017 (HOL) – Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo madax u ah gudiga anshaxa doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee dhawaan uu magacaabay gudoonka sare ee gollaha baarlamaanka, ayaa ka hadlay wax qabadka iyo howlaha hor yaalla gudiga, maalinta doorashada

Prof Samatar oo wareysi siinayay Idaacada VOA –da ayaa sheegay in howsha ugu weyn ee gudigooda hortaala tahay in ay la socdaan islamarkaana ilaaliyaan anshaxa iyo in doorashadu nadiif ka ahaato musuq maasuq iyo wax is daba marin.

‘’Shaqada ugu weyn ee na hortaala waa in aan ilaalino marka hore xalaalnimada codbixinta xildhibaannada, in la xadido dhaqdhaaqaqa goobta doorashada waqtiga ay codeynta socto iyo aynu si gaar ah ula socono in lacag la soo galiyo goobta doorashada’’ ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Arintan ayaa imaneysa iyadoo ay jiraan tuhunno la xiriira in musharixiinta qaar lacago xad dhaaf ah u balanqaadayaan xildhibaannada, sidoo kalana waxaa jira shaki laga qabo in marka ugu danbeysan ee doorashada xarunta la geeyo lacago lagu gadanayo codadka.

Ugu danbeyntii, guddoomiyaha gudiga anshaxa ayaa sheegay in arimahan oo dhan haddii ay ogaadaan la socodsiin doonaan hay’addaha ku shaqada leh si markiiba wax looga qabto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]