U diyaargaroowgii doorashada madaxweynaha oo la soo gabagabeeyay
Isniin, Feberaayo, 06, 2017 (HOL) – Guddiga doorashada
madaxweynaha ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay u diyaargaroowga
doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo afar jeer oo hore dib u dhac ku yimid.
Guddoomiyaha gudiga doorashada oo ka kooban 17 xubnood
Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in doorashada ay ku dhici doonto sida
uu hadalka u dhigay waqtigii loo qorsheeyay ee 08 bishan Feberaayo oo maalin
kaliya naga xigto.
‘’Waxaan ballanqaadeynaa in doorashadu noqonto mid daah furan
oo si la wada arkayo u dhacda, waxaan ilaalin doonaa hufnaanta iyo in sida ugu fiican wax walba ku soo dhamaadaan
ayuu yiri’’ guddoomiyaha gudiga doorashada.
Doorashada loo balansan yahay maalinta Arbacada ayaa soo
jiitameysay tan bishii October ee sanadkii hore 2016ka, hasse ahaatee waxaa
muuqata xiligan in wax walba oo ku saabsan arintan soo dhamaadeen.
275 xildhibaan oo ka kooban gollaha
shacabka iyo 54 mudane oo aqalka sare ah u codeeyaan madaxweynaha waxaana
tirada xildhibaannada codadkooda dhiibanaya marka leysku geeyo noqonayaan 329
xildhibaan.
Ilaa 23 musharax ayaa xiligan u tagan in ay u tartamaan
kursigan kuwaa oo si gaar ah isha uga wada haya daah furaanta doorashada,
waxaana xusid mudan in qaar ka mid ah musharixiinta dalbadeen in laga
soo wareejiiyo doorashada halkii markii hore loo qorsheeyay in ay ka dhacdo ee
xarunta Jen Kaahiye iyaga oo shaki ka muujiyay sida goobtaas loogu kalsoonaan
karo.
Ugu danbeyntii, waxaa diyaargaroowgii ugu danbeeyay ku jira
goobta loo qorsheeyay in ay doorashada ka dhacdo oo inta badan loo dhameystiray
waxyaabihii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomida doorashada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]