Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo ka hadlay Imaatinka magaalada Hargeysa Cali Khaliif Galayr
Isniin,
Febraayo ,06, 2017 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji
Maxamuud Xiir Farotoon, ayaa ka hadlay imaanshiyaha Hogaamiyaha Khaatumo Cali
Khalliif Galaydh ee magaaladda Hargeysa, waxaanu sheegay in ka dib markii loo
diiday inuu Buuhoodle ka dhoofo loo ogolaaday inuu Hargeysa ka dhoofo.
Wasiir
Farotoon ayaa sheegay in Cali Khaliif Galaydh u aqoonsan yihiin muwaadin reer
Somaliland balse aaminsan fikrad ka duwan ka dadweynaha Somaliland aaminsan
yihiin.
“Waa
Run Cali khaliif Galaydh Hargeysa ayuu saaka yimid, isagoo ka soo anbo baxay
gobolka Buuhoodle soona maray wadadda laamidda ah ee ka timaadad magaaladda
Laascaanood, ee soo gasha magaaladda Burco,halkan buuna saaka ku soo
waaberiistay waxaanu ka duulay garoonka Hargeysa isagoo usii jeedda wadanka
Jabuuti oo uu ka furmayo wada hadaladdii isaga iyo Somaliland u dhexeeyey”ayuu
yidhi wasiir Farotoon oo ka hadlayey imaanshiyaha hogaamiyaha KHaatumo.
Mar
wax laga waydiiyey sababta Cali Khaliif Galaydh loogu soo dhoweeyey magaaladda
Hargeysa waxa uu yidhi “Cali KHaliif Galaydh waa la ogyahoo jabhad mucaarad ah
ayuu madax ka ahaa, wuxuu sheeganayey maamul uu madax ka yahay qaybo dalka ka
mid ah, dawladuna wada hadal ayey la gashay oo la doonayey in si qabow lagu
dhameeyo, imika wada hadalkii ayaa socda, wax diidmo ah iyo wax laga hor
joogsaday inuu soo galana ma jirin, waxaana loo ictiraafsan yahay muwaadin reer
Somaliland ah oo aaminsan firkad aan u cuntamin dadweynaha inteedda kale,
marka taas uun waa wada hadalka keentay”.
Si
kastaba ha haatee, wefti uu hogaaminayey Cali Khaliif Galaydh ayaa saaka
markiii uu magaaladda Hargeysa soo galay la dajiyey hoteel Ambassador ee
magaalada Hargeysa, markii uu ka quraacday markiiba diyaaradda ka raacay kuna
sii jeeday wadanka Jabuuti.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.