4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2017
Wajigii hore ee doodda oo soo dhamaatay iyo saddex musharax oo ka qeybgashay

Isniin, Feberaayo, 06, 2017 (HOL) - Waxaa goor dhaw soo dhamaatay wajigii hore dooddii musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka bilaabatay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Wajiga koowaad ayaa maanta lagu waday in ay dood-wadaag yeeshaan illaa 11 Mushara,halka qeybta Dambe ay dooda yeelan lahaayeen 12 Musharax.

Hasse ahaatee dooda lagu soo gabagabeeyay xarunta gollaha shacabka ayaa waxaa ka qeyb-gallay saddex musharax oo kaliya oo kala ah Bashiir Raage Shiiraar,Axmed Maxamed Cabdi iyo Sakariye Max’uud Cabdi, iyadoo ay goobta ka maqnaayeen ilaa saddeed musharax.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in qeybtii koowaad la soo gabagabeeyay, qeybta xigtana marka laga soo laabto Salaada la bilaabi doono.

Ugu danbeyntii, laga bilaabo maalinta berri ah ayaa waxaa ay gudiga qaban-qaabada doorashada bilaabi doonaan u diyaargaroowga doorashada iyo diyaarinta halka ay doorashada ka dhaceyso oo u baahan in siweyn looga shaqeeyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]