4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2017
Dooddii oo bilaabatay iyo saddex musharax oo kaliya oo xaadirtay

 Isniin, Feberaayo, 06, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw ka bilaabatay xarunta gollaha shacabka dooda musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo todobaadkii hore dib u dhac ku yimid.

Doodda oo xiligan si toos ah looga daawanaya TV-ga Qaranka ayaa waxaa daadihinaya Wariye Yuusuf Xassan Macalin, iyadoo ilaa iyo hadda ay ku sugan yihiin saddex musharax oo kala ah Sakariye Xaaji Max’uud Cabdi, Bashiir Raage Shiiraar iyo musharax Axmed Max’ed Cabdi.

Ilaa 11 musharax ayuu qorshuhu ahaa in wajiga hore ee doodda ay ka qeyb-gallaan, waxaana warar soo baxaya sheegayaa in musharixiinta intooda badan diyaar u aheyn in ka qeyb-gallaan doodda, madaama saddexdii cisho ee la soo dhaafay khudbadahooda ka hor jeediyeen xildhibannada baarlamanka.

Todobaadkii hore ayay dooda u baaqatay is qab qabsi ka dhashay Internet-ka oo go’naa, maadaama aanay suura gelin in si toos loo daawado, ayaa musharaxiinta qaar waxay ku doodeen in aanay dooda noqon mid la duubo.

Musharixiinta qorsheysan in gallinka danbe ee maanta ka qeybgallaan doorashada ayaa tiradooda waxaa ay gaareysaa ilaa 12 musharax sida ku qoran jadwalka doodda, lamana oga sida ay musharixiinta u xaadiri doonaan xarunta gollaha shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]