4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2017
Cali Khaliif Galeyr oo goor dhaw ka duulay magaalada Hargeysa

 Isniin, Feberaayo, 06, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr oo maalintii shalay ciidamo beelleed iska hortaageen in uu ka dhoofo magaalada Buuhoodle ayaa goor dhaw ka anbabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee maamulka Soomaaliland.

Cali Khaliif ayaa la sheegay in uu xalay socdaal kaga soo anbabaxay magaalada Buuhoodle, ayaa aroortii saakay gaaray magaalada Burco ee gobolka Togdheer, halkaasoo si diran loogu soo dhoweeyey, isaga oo uga soo gudbay magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo oo ka dhoofay magaalada Hargeysa ayaa u anbabaxay dalka Jabuuti halkaasoo uu uga qeyb-gali doono wada hadallada u dhaxeeya maamulka uu madaxweynaha ka yahay iyo Soomaaliland.

Ugu danbeyntii, socdaalka Cali Khaliif eee magaalada Hargeysa ayaa u muuqda mid muujinaya xiriirka wanaagsan uu dhaxeeya labada dhinac, gaar ahaan Cali Khaliif Galeyr oo marar badan oo hore la sheegay in uu jiro wada hadal hoose oo kala dhaxeeya maamulka Soomaaliland. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]