4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2017
Kaameruun oo ku guuleysatay koobka Qaramada Africa


Isniin, Feberaayo, 06, 2017 (HOL) - Kaameruun ayaa soo afjartay 15 sano oo ay sugaysay in ay Koobka Qaramada Afrika mar kale hanato

Kaameruun oo gool lagu lahaa markii hore ayaa boodhka iska jaftay oo ciyaartii kama dambaysta ahayd Masar kaga badisay 2-1 iyagoo hantay koobkii shanaad ee Qaramada Afrika

Vincent Aboubakar oo badal ku soo galay ciyaarta ayaa goolka guusha u dhaliyay iyadoo ay ciyaartu ka dhiman tahay labo daqiiqo oo kali ah.

Nicolas Nkoulou ayaa goolkaas ka horna goosha barbaraha u keenay Kaameruun, isaga oo madaxa ku sixiixay.

Gooshaas ayaana barbaro u ahayd midkii uu sida quruxda badan ugu dhaliyay Masar Mohamed Elneny oo 22 jir ah.

Gooshii u dambaysay ee Aboubakar ayaase Kaameruun u xaqiijisay in ay koobka qaaradda hanato 15 sano oo ay sugayeen ka dib.

Waxaa kale oo ay noqdeen dalka labaad ee qaada koobabka ugu badan ee qaaradda Afrika, waxaana ka horeeya dalka Masar, waana markii koobaad ee ay ciyaar kama dambays ah ka badiyaan xulka Masar saddex ciyaarood oo kama dambays ah oo ay iska horyimaadeen.

Ciyaaryahannada Kaameruun iyo shaqaalaha kale ee kooxda oo u dabaaldegaya goolka guusha ee Vincent Aboubakar

Inkastoo aysan u dheelaynin ciyaaryahanno muhiim ah sida Joel Matip iyo Eric Chuopo-Moting, hadana tababare Hugo Broos wuxuu suurtagaliyay in uu isku duba rido kooxdan koobka qaaday ee awooda leh, isla qabsaday isla markaana adkaysiga leh.

Kooxda Masaarida ayaa raadinayay koobkoodii sideedaad muddo toddobo sano ah oo aysan ka miro dhalinin ciyaaraha caalamiga ah, si dagan ayayna ciyaarta ku bilaabeen iyadoo goosha koobaadna uu u sixiixay Elneny.

Ciyaaryahankaas oo khadka dhexe uga dheela kooxda Arsenal ayaa billaabay baaska isaga ayaana gool u badalay markii dambe ka dib markii uu baaskii u dambeeyay ka helay Mohamed Salah, wuxuuna shabaqa u dabo mariyay gool haye Fabrice Ondoa.

Tababare Hugo Broos oo reer Beljam ah ayaa koobkiisii u horeeyay ee Afrika la qaaday Kaameruun

Tababarahan reer Beljam ayaa ka hadlay midnimada kooxdiisa, isaga oo u dabaal dagay kobkii koobaad ee uu ka soo hoyiyo Afrika.

Wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kooxdiisa. “Ma aha koox kubadda cagta ah ee waa koox saaxiibo ah” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Tababaraha Masar Hector Cuper ayaa la kulmay guuldarro kale oo ka soo gaartay ciyaar kama dambays ah isaga oo labo jeer laga badiyay ciyaar kama dambays ah oo horyaalka Yurub ee Champions League ah isaga oo tababare u ahaa naadiga reer Spain ee Valencia.

Wuxuuse sheegay in murugada haysa aysan ahayn in ciyaar kale oo kama dambays ah laga guulaystay, balse ay tahay in dadka reer Masar ay rajo badan ka qabeen koobka, ciyaartoyduna ay dadaal badan la yimaadeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]