4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2017
Cabdiwali Gaas’’ Muqdisho waxaan u nimid inaan goob joog u noqono isbadalka ka dhacaya Soomaaliya

Isniin, Feberaayo, 06, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobollleedka Puntland Cabdiwali Max’ed Cali Gaas iyo wafdi uu horkacayo ayaa maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay goob joog uga noqdaan doorashada madaxweynaha ee lagu wado in ay dhacdo 08 bishan Feberaayo maalinta Arbacada ah.

Madaxweynaha oo faah faahin ku bixiyay ujeedada socdaalka isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa sheegay in ay la socon doonaan doorashada Madaxweynaha, isagoo xusay in Puntland qeyb muhiim ka tahay dowladda Federaalka, ayna doonayana inay wax ka ogaadaan oo ay kor-joogto ka noqonayaan doorashada.

‘’Waxaa goob joog u noqon doonaa is bedelka ka dhici doona dalka ayuu yiri madaxweyne Cabdiwali Max’ed Cali Gaas.

Marka laga soo tago madaxweynaha Puntland waxaa horay u sii joogay magaalada Muqdisho madaxweynayaasha maamullada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Ugu danbeyntii, doorashada madaxweynaha Soomaaliya waxaa ku tartamaya musharixiin xilal kala duwan qaarkood ka soo qabtay dalka, taaa oo siweyn isha loogu wadda hayo natiijada ay ku soo dhamaan doonto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]