4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2017
Al-shabaab oo afar ruux ku toogatay degmada Jamaame ee gobollka Jubbada hoose

Isniin, Feberaayo, 06, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xarrakada Al-shabaab galinkii danbe ee maalintii shalay maal fagaaro ah ku toogteen afar dhalinyarro ah oo ay ku eedeeyeen in ay u basaasayeen maamulka Jubbaland.

Ragga dhalinyarrada ah oo ay Al-shabaab dileen ayaa lagu kala magacaabi jiray Siyaad Cali Cabdi 26 jir, C/llaahi Cali Xasan 26 jir, Axmed Ibraahim Hire 28 jir iyo Yuusuf Makaraan Maxamed 58 jir.

Maxkamad ay leeyihiin Al-shabaab ayaa sheegtay in  raggan lagu hellay dhamaanba danbiyadii lagu soo eedeeyay, taasoo ku riday xukun dil ah.

Al-Shabaab ayaa inta badan toogta ama howraca dadka ay ku eedeeyaan in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda ama kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM .

Marar badan oo hore ayeey sidan oo kale meel fagaaro ah ku toogteen dhalinyaro ay ku eedeeyeen in ay basaas yihiin. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]