4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 5 , 2017
BELEDWEYNE : ciidamada dowladda oo miino ka saaray meel waddada dhinaceeda ah

 Axad, Feberaayo, 05, 2017 (HOL) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay ka saaraan miino lagu aasay wado inta badan marin u aheyd ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in wadadan ay muhiim u aheyd ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa.

‘’Waxaan ku guuleysanay in aan ka saarno miinada halkaa lagu aasay, wadadaas oo muhiim u aheyd isticmaalka ciidamada dowladda iyo AMISOM’’ ayuu yiri’’ taliyaha.

Waxaa uu sheegay in Al-shabaab damacsanaayeen in miinada ku bartilmaameedsadaan ciidamada isticmaala waddada.

Ugu danbeyntii taliyaha ayaa ugu baaqay dadka deegaanka in ay wada shaqeyb buuxda la yeeshaan ciidamada , islamarkaana ku soo wargaliyaan ciidamada dowladda falalka amniga ka dhanka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]