Guddoomiye ku-xigeenka baarlamanka Galmudug oo leyska hortaagay in uu Cadaado tago
Axad, Feberaayo, 05, 2017 (HOL) – Ciidamo ka tirsan dowlad gobolleedka Galmudug ayaa lagu
waramayaa in ay maanta hor istaag ku sameeyeen in uu gaaro magaalada Cadaado
guddoomiye ku-xigeenka koowaad
baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.
Xildhibaan Feysal Axmed Cabdulle oo ka tirsan xildhibaannada
baarlamaanka Galmudug ayaa ku eedeeyay arintan madaxweynaha maamulka
Cabdikariin Xusseen Guulleed oo sida uu hadalka u dhigay ciidamada amar ku
siiyay in aysan xildhibaannada dib ugu laaban degmada Cadaado.
''Xildhibaannada waxaa ay ka kooban yihiin 14 xildhibaan iyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad, waxaan hadda ku soo laabanay oo aan joognaa garoonka diyaaradaha Muqdisho'' ayuu yiri Feysal Axmed Cabdulle.
Diyaaradii sidan guddoomiye ku-xigeenka koowaad Xareed Cali
Xareed ayaa la sheegay in markii danbe ay dib ugu laabatay magaalada Muqdisho.
Inkastoo xildhibaannada safarka ku wehlinayay guddoomiye
ku-xigeenka arintan ku eedeeyay madaxweynaha, haddana lama oga sababta rasmiga
ah ee loogu diiday xildhibaannadan in ay tagaan Cadaado.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Xareed Cali Xareed ayaa shir
guddoomiyay kulan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Galmudug kalsoonida kala
noqdeen Cabdikariin Xusseen Guulleed taasoo abuurtay qalalaase siyaasadeed.
Ugu danbeyntii, ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo
baxay dhinaca kale saraakiisha amniga maamulka Galmudug oo ku saabsan sababta
xildhibaannada loogu diiday in ay tagaan magaalada Cadaado.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]