4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 5 , 2017
Magaalada Muqdisho oo labo maalmood loo xirayo sugida amniga doorashada

 Axad, Feberaayo, 05, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Xusseen Jimcaale ayaa sheegay in laga bilaabo sida uu hadalka u dhigay maalinta Talaadada ah ilaa laga gaarayo saacadaha danbe ee maalinta Arbacada ah loo xirayo magaalada Muqdisho sugida amniga doorashada.

‘’ Waxaa jira goobo waxbarasho oo ay ka mid yihiin Jaamacado ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaan ka dalbaneynaa maamulka dugsiyada waxbarashada iyo Jaamacadaha in labadaa cisho ardeyda fasaxaan, madaama la xadidayo dhaqdhaqaaqa iyo isku socodka magaalada’’ ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa imanaya xili siweyn loogu diyaargaroobayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho maalinta Arbacada ah labo cisho uun ka harsan tahay.

Ugu danbeyntii, Duqa Muqdisho ayaa sheegay in arintan loo sameynayo sida uu hadalka u dhigay doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ah doorasho xasaasi ah oo shacabka Soomaaliyeed siweyn isha ugu wadda hayaan. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]