4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 5 , 2017
Xukuumada Washington oo racfaan ka qaadaneysa amarkii lagu jabiyay go’aankii madaxweynaha

Axad,  Feberaayo, 05, 2017 (HOL)  - Daqiiqadihii u dambeeyey ayaa lagu dhawaaqay in waaxda cadaaladda ee Maraykanka ay racfaan ka qaadatay xukunkii uu riday xaakim jooga Seattle, kaa soo dhan ka ahaa amarkii uu Donald Trump ku joojiyay in ay waddanka soo galaan dadka ka imaanaya 7 dal oo Muslim ah.

Hadalkan ayaa waxaa daba socday qoraallo uu Twitter soo dhigay Mr Trump, kuwaasoo uu ku cambaareeyey qaaddigii xukunka riday, wuxuuna ka digay in 'dad xun oo khatar ah' ay Maraykanka ku soo qulquli doonaan arrintaas darteed.

Shirkadaha dayaaradaha qaarkood ayaa mar kale u ogolaaday muwaadiniinta u dhalatay dalalka ay arrintan saamaysay inay raacaan dayaaradahooda u duulaya Maraykanka.

Dhinaca kale, dibadbaxyo dheeraad ah ayaa ka sii socday Washington, kuwaasoo looga soo horjeedo xayiraadda safarka ee uu xukuumaddu ay soo rogtay.

Ugu danbeyntii, dibadaxyadaas oo kale ayaa ka dhacay magaalooyin kale oo Maraykanka ku yaalla sida Miami, iyo qaar ka mid ah caasimadaha dalalka Yurub.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 
- See more at: /news/2017/Feb/wararka_maanta5-129653.htm#sthash.FMyY2I0a.dpuf