4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 5 , 2017
Minnesota oo noqotay xarunta ay Canada uga sii safraan qaxootiga Mareykanku diido

Axad, Febraayo 05, 2017 [HOL]-Minnesota Mareykanka ayaa noqotay xarunta ay Canada uga sii safraan qaxootiga Mareykanku diido.

Halkaa ayaa la sheegay in ragga tahriibka ah ay boqolaal doolar inta siiyaan tagaasii ay kutagaan xadka Canada iyo Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, waxay dabbaal uga gudbaan webiga cas ee Red River si ay uga leexdaan halka ay joogaan askarta xadka ilaalisa. Waxay sidoo kale intay sii socdaan u bareeraan baraf gaar ahaan xilliga xagaaga.

 Dhawaan kuwo ayaa qabow uu faraha ka jari gaaray.

Minnesota ayaa noqotay halka ay kusii hakadaan muhaajiriin ka kala timid Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrikaan ah ka hor inta aysan galin Canada.

In ka badan 430 oo muhaajiriintaa ah yaa laga soo bilaabo bishii Abriil ee kal hore gaaray Winnipeg.

Muhaajiriintaa ayaa soo maray Minneapolis, Minnesota kadib markii ay soo gudbeen qaarada Koofur Ameerika ama Latin America.

Haatan ayaa waxaa u sabab ah inaysan Mareykanka sii joogin amarka madaxweynaha cusub ee Mareykana ee Donald Trump uu ku xaddidayo soo galootiga.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]