Feysal Cali Waraabe oo la dardaarmay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya
Axad,
Febraayo 05, 2017 (HOL)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali
Waraabe ayaa xildhibaanadda Soomaaliya kula dardaarmay inay u codeeyaan
musharaxa daacad ah oo maamuli kara Soomaaliya.
Sidoo
kale, Faysal waxa uu ka hadlay wada hadalkii u socday Khaatumo iyo Somaliland
iyo xulista musharaxa madaxwene ku xigeenkiisa oo uu sheegay inuu ku wareejin
doono wasaaradaha haddii uu helo doorashadda soo socota.
Faysal
Cali Waraabe oo doorashooyinka Soomaaliya ka hadlya waxa uu yidhi “waad
ogtihiin xaaladda Soomaaliya, maanta doorasho galayaan, doorashadaasi waxay u
bixiyeen mid dadbad, laakiin waa mid khaldan, 51 qof ayaa la yidhi
xildhibaankay u codaynayaan kii lacag badan ayaa wada iibsanaya oo soo baxaya,
afartan iyo labaatan ayaa u ordaya madaxweynenimo Soomaalia, waxay sameeyeen
guri sare oo ku fadhiya dawlad goboleedyo, gurigaasi ma leh sharci, dawlad
goboleed dhisan oo madaxa ka nool ma jirto marka laga reebo maamulka Puntland
mooyee, waxa doorkan doorashadda gacan kula jira dawladdo kale oo farogalin ku
haya.”
“
waxaan leeyahay xildhibaanada madaxweynaha dooranaya ilaahay ka baqda oo lacag
ha siisanina mustaqablak dadka aad sheeganaysaan inaad matashaan, mid walba
taariikhdiisa dib u eega, Xasan sheikh afartii sanno muxuu qabtay, markii hore
muxu hanti lahaa imika waxa uu hanti leeyahay, Sheekh Shariif
markii hore muxuu qabtay, Farmaajo mar buu Ra’isal wasaare ahaa muxu
qabtay la xisaabtama, waa in aan hurgurigiinu idin wadin ee damiirkiinu idin
wadaa, iyo aakhiradiina, haddii aanu UCID nahay inay halkaasi dad nadiif ahi ka
soo baxaan oo aanu wada hadalkii noo dhexeeyey lafurno ayaanu rabnaa”ayuu yidhi
Faysal Cali Waraabe oo la dardaarmayey xildhibaanadda Soomaaliya.
Gudoomiyaha
UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xildhibaanadda Somaliland matalaya
inkastoo aanay matali Karin hadana wadaagaan magaca, waxaanu kula dardaarmay in
codkooda siiyaan qof wanaagsan “waxaan leeyahay xildhibaanadaasi sheeganaya
Somaliland inakastoo aanay na matalin dee magaca way nala wadagaanaan waar qof
fiican ku caawiya codkiina, iyagan wax u taraya anaga la wada hadli karno si
aanu u kala baxno, musharaxiintani waxan ay haystaan waa lacagtiina ee
tabtayada isticmaala oo ka cunno oo ka codeeya waa hantidiiniiye, anaga waxaanu
nidhaahnaa marka ololaha ku jirno ka lacagta bixiyaa dadweynow ka cuno oo ka
codeeya sidaas oo kale u dhaqma”
Dhinaca
kale, mar uu ka hadlayey wada hadalkii Somalilnad iyo KHaatumo udhexeeyey waxa
uu yidhi “reer KHaatumo waa dad wanaagsan inaga wax inaga khaldanayaan, in
Buuhoodle oo gobolka Togdheer ka tirsan in aynu maamulkeena gaadhsiin kari
wayno khalad bay ahayd wayna hagranay, waana la soo gabogabaynayaa waxaana u
hambalyeynayaa Prof Cali Khaliif Galaydh oo hormood u ahaa waxana rajaynayaa in
Isniinta ama Salaasadda go’aamo ka soo saarno,marka waa in mucaawimadda
boqolkiiba lixdan loo badiyo oo la gaadhsiiyo marka abaartu inaga baxdo”.
Sidoo
kale waxa la waydiiyey goorta uu soo xulayo musharax madaxweyne ku xigeenkiisa,
waxaanu yidhi “waanu ka fiirsanana waxaana rabnaa qof wanaagsan oo ilaahay ka
baqaya, waxaana doonaynaa in madaxweyne ku xigeenka ku wareejino wasaaradaha oo
dhan oo aanu noqon mid meel uun iska fadhiya, wuxu u shaqaynaya sidii Ra’isal
wasaaraha oo kale, anigu waxaan la soo hadhayaa uun wasiirka Arrimaha dibadda
iyo wasaaradda Difaaca oo kaliya inta kale wasaaradaaha isaga maamulaya, marka
waxan doonaynaa nin waxaasi oo dhan maamuli kara”.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.