Khudbadihii musharixiinta madaxweynaha oo maanta la soo gabagabeeynayo
Axad, Feberaayo, 05 2017 (HOL) –
Maanta oo Axad ayaa lagu wadaa in
la soo gaba gabeeyo dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha,
iyadoo illaa 9 Musharax ay maanta jeedin doonaan khudbado ay uga hadlayaan
barnaamijkooda siyaasadeed iyo waxqabadkooda haddii la doorto.
Maalintii shalay oo Sabti aheyd iyo Khamiistii todobaadkii hore ayaa waxaa
baarlamaanka hortagay oo khudbadahooda ka hor jeediyay ilaa 14 musharax oo ka
mid ah xubnaha u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Musharaxiinta maanta khudbadaha jeedinaya ayaa waxay kala yihiin:-
1- Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
2- Dr. Maxamuud Maxamed Culusow
3- Maxamed Axmed Jabarti
4- Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)
5- Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
6- Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
7- Maxamed C/risaaq
8- Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil
9- Axmed Maxamed Cabdi
Musharaxa Axmed Max’ed Cabdi ayuu qorshuhu ayaa in khudbadiisa uu jeediyo
Khamiistii la soo dhaafay, hasse ahaatee sida ay gudiga doorashada sheegeen ka
cudurdaartay, waxaana lagu wadaa in uu ka mid noqdo musharixiinta maanta
Khudbadaha jeedinaya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]