4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 4 , 2017
Falanqeyn: Khudbadihii ay manta jeediyeen musharixiinta Madaxweyne ee Soomaaliya

Sabti, Febraayo ,4, 2017 (HOL)- Musharixiinta madaxtinimadda Soomaaliya, ayaa maalintii labaad waxaa ay khudbadahooda ay ka hor jeediyeen mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 275 xildhibaan iyo 54 mudane oo ka tirsan aqalka sare ee dalka.

Todobo musharax ayaa maanta soo bandhigay waxqabadooda,  haddii loo doorto xilka madaxtinimadda Soomaaliya. Mushaririinta maanta baarlamaanka hor-yimid ayaa waxaa ay kala ahaayeen Dr. Abdinasir Abdulle Mohamed, Abdirahman Abdi Shakur, Abdirahan Mohamed Farole, Abdullahi  Ahmed Ali Gees oo loo yaqaano Adow ali gees,  Abdullahi Cilmoore Hirsi, Abduqadir Osoble Ali iyo Ali Hajji Warsame.

Musharixiinta ayaa dhamaan kawada sinaa, ka hadalka amniga,soo celinta Soomaaliland, in AMISOM laga saaro dalka, musuq-maasuqa iyo la dagaalanka Al Shabaab.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horay u ahaa Wasiirkii Qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga, ayaa khudbadiisa waxaa ay taabatay dhinacyo badan, waxaana uu sheegay in Soomaaliya hadda looga taliyo xaruunta xalane ee saldhiga u ah AMISOM.

“ Soomaaliya waxaa looga taliyaa xarunta Xalane, waxaan soo ahaa wasiir iyo xildhibaan Qaran, mar kasta waxaan arki jiray masuuliyiin looga yeerayo Xalane” ayuu yiri.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in qadiyada bada soomaaliya ay siyaasadeynayaan qaar kamid ah musharixiinta soomaaliya.

Dhinaca kale Musharax Dr.Abdinaasir, ayaa sheegay in uu abuuri doono 50,000 oo shaqooyin si ay uga faa’ideystaan dhalinyaradda Soomaaliya, sidoo kale Abdiraham Faroole, ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono mideynta umadda Soomaaliya, gaar ahaan Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Abdullahi Ciilmooge, ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay, haddii loo doorta xilka madaxtinimadda Soomaaliya in uu shirkadda gaarka loo leeyahay ee hubeysan in uu hubka ka dhigi doono,  uuna sidoo kal dhiiragalin doono beeraleeyda iyo xoola dhaqatada gudaha soomaaliya.

Abduqadir Cosoble iyo Cali Xaaji, ayaa dhankooda waxaa ay soo bandhigeen ka shaqeynta dowladda wanaaga iyo maalgalinta dalka.

Khamiistii lasoo dhaafay, ayaa waxaa khudbadahooda jeediyay ilaa todobo musharax oo ay kamid ahaayeen, Hassan Sheikh Mohamud, Sharif Sheikh Ahmed, Zakariya Mahamud Abdi Haji Bashir Rage Shirar , Jibril Ibrahim Abdulle , Said Abdullahi Deni iyo Said Isa Mahamud.

Waxaa harsan musharixiin kale oo maalmaha soo socda soo bandhigi doona waxqabadkooda haddii la doorto.

Sideeda bishaan February ayaa waxaa la filayaa in mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ay doortaan Madaxweynaha afarta sano ee soo socota hogaamin doona dalka Soomaaliya, waxaana xilkaasi ku baratamaya ilaa 24 musharax oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  iyo Raisulwasaaraha Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Hassan Ali Osman Istiila, Hiiraan Online