4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 4 , 2017
Xisbiga WADDANI oo qabtay dood cilmiyeed la xiriira sicir bararka

Sabti, Febraayo ,4, 2017 (HOL)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ee Somaliland, ayaa soo qabanqaabiyey kulan aqooneed lagaga doodayo sicir-bararka iyo weli ba sababaha keena qiimo-dhaca ku yimi lacagta shillingka Somaliland.

Kulankan aqooneedkan oo ahaa mid ay doodiisa ka qeyb-qaadanayeen aqoonyahano culuumta dhaqaalaha aqoon badan u leh, isla markaana ah macalimiin wax ka dhiga jaamacadaha dalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI ee dhinacyada maaliyadda iyo dhaqaalaha, waxa iyaguna ka soo qaybgalaly Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, hoggaamiyaha Xisbigaasi, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, agaasimaha guud ee daladda ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF, guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee Xisbiga KULMIYE, abwaano tiro badan oo ka socday golaha Abwaanada Somaliland, odey-dhaqameedyo, macalimiin iyo arday ka socotay kuliyadaha dhaqaalaha ee jaamacadaha dalka, haween, dhallinyaro iyo mas’uuliyiin
tira badan.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ugu horeyn furay kulan aqooneedkaasi, ayaa ka hadlay muhiimadda uu lee yahay kulankaasi, waxaana uu tilmaamay in Xisbiga WADDANI uga golleeyey siddii xal waara looggu heli lahaa dhibbaatada sicir-bararka isla mar ahaantaana loo carin lahaa maskaxda iyo aqoonta dadka ehelka u ah arrimaha dhaqaalaha si wax loogga qabto arrimahaasi.

“Munaasibaddan dood cilmiyeedka ah waxa ka soo qeyb-galay dhammaan oo lagu marti qaaday qeybaha bulshada iyo hay’adaha Xukuumadda ama qaranka dhammaantood, waxa halkan jooga salaadiintii, waxa jooga abwaaniintii, waxa jooga aqoonyahankii, jaamacadihii, waxa kale oo la marti-qaaday dhammaan hay’adaha qaranka Somaliland oo mawduucan aynu ka hadlaynaa uu khuseeyo oo ay ka mid yihiin bangiga dhaxe, wasaaradda Maaliyadda, wasaaradda arrimaha gudaha iyo weli ba ururada bulshada iyo kuwa aan dawliga ahayn inta ba iyo weli ba sida oo kale axsaabta qaranka Somaliland, waanan u mahad-naqeynaa dhammaan cid kasta oo ka soo qeyb-gashay munaasibaddan oo lagu falan-qeyn doono dood cilmiyeed looggu tallo-galay in aynu wax isku weydiino xanuunada jira oo ah sicir-bararka, xaguu innooga yimi?, siduu u yimi?, maxaynu ku daweyn karnaa?, markaa guud ahaan waa mawduucaas cilmi baadhista ah, waxaana inaga reeban dhammaanteen in cid ama shakhsi laga hadlo oo la weeraro ama laga hadlo hay’adaha qaranka se caawa waxa aynu ku koobnaan doonaa doodaas haddii Alle qadaro oo uu wada-hadalkeenu khuseeyaa.”.Ayuu
yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa kale oo ka hadlay Xoghayaha arrimaha dibadda Xisbiga WADDANI Dr.Maxamed Cismaan Fadal, waxaanu yidhi “Waayaha dhaqaalaheena Somaliland waxa ka mid ah dhaqaale dagaal ka soo kabtay in uu yahay oo weli kabashadii ay wax kaga jiraan, wixii ka horeeyey ee seeska u ahaana ay hore u burbureen laakiin imika soo kabanaaya, waayahiisa waxa ka mid ah dhaqaale la hirdamaaya aqoonsi la’aan oo mararka qaar ay ka xidhan tahay caalamka kale ee ballaadhan, hay’adaha maalgashiga, deynta iyo baananka bal eh, waxa weeyaan duruufo dhaqaale oo horyaalkiisii oo ahaa xoolaha nool ay aafeeyeen abaaro iyo xaaluf ba, waxa weeye duruufo dhaqaale oo aan haba-yaraatee wax macdano ah ama shidaal ha ahaado ama macdano kele e’ midna aan illaa imika ku soo darsamin isticmaalkiisa, waxa weeyaan dhaqaale suuqiisu uu kooban yahay oo ilaa Afar Milyan oo dad ah baynu nahay baynu nidhaahnaa se dadka kale waa boqolaal Milyan se intaas aynu nahay ba duq ku ah.”

Pro.Cabdishakuur oo isna ah aqoonyahan da’yar isla mar ahaantaana culuumta dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Hargeysa sida oo kale na ah madaxa tobabarada ee Bangiga dhaxe ee Somaliland, oo isna halkaas ka hadlay, ayaa soo bandhigya sababaha dhaliya sicir-bararka iyo weli ba sida oo kale qiimo-dhaca ku yimaada lacagta shilling Somaliland ta, waxaana uu carabka ku dhuftay in qiimaha lacagta Somaliland uu si aada hoos ugu dhacay.

“Sarifku waa isku bedelka lacagaha oo macnaha waxa weeye inta ay lacagi ka noqoneyso marka loo eego lacagaha kale, sida aynu ka warqabna na lacagta dalkeenu aad u qiimo dhacaysay muddooyinkii u dambeeyey oo imika tusaaleahaan bishii 7aad ee sannadkii hore sarifka lacagta ee halkii dollar waxa uu maraayey 7000/Sl/Shilling ah January dan ama bishan aynu soo dhaafneyn waxa uu soo gaadhey 9000/Sl/Shilling ah taas oo aynu odhan karno lacagtii shilling Somaliland tu aad bay u qiimo dhacday runtii. Hada ba waxa aynu isweydiineynaa maxaa sababey hoos u dhaca ku yimi qiimahii shillingka Somaliland?, marka aynu arrintaas ka jawaabeynana waxa ay ku xidhan tahay waxa aynu dhoofineyno iyo wax aynu soo dhoofsaneyno oo imika Somaliland hadaad eegto wax badan ma dhoofino oo adhiga iyo xoogaa yaroo kale ayeynu dhoofin jirnay, adhiga ayaana dhoofkiisu ugu badnaa waxa aynu dibadda u dirno, markaa adhigii na imika wuu istaagay, wax badana waynu soo dhoofsanaa oo dhammaan waxa Hargeysa laga isticmaalo oodhan ba dibadda ayaa laga keenaa , sida oo kale waxa yaraaday lacagahii dibadda inaga soo geli jiray, yaraantaas ay yaraatay awgeedna waxa ay sababtay in dollarkii dhex yaalay wadanku uu yaraado.”.Ayuu yidhi Cabdishakuur

Xisaabiye sare Xasan Xuseen Codyare, xildhibbaan Xuseen Ismaaciil iyo weli ba sida oo kale xeel dheerayaal kale oo culuumta dhaqaalaha ah ayaa ka hadlay sicir-bararka iyo waxyaabaha sababa, nidaamka maaliyaddeed ee dalka iyo weli ba sida oo kale sida adeegyada ZAADka iyo E-DAHAB ay saameyn ugu lee yihiin sicir-bararka.

Doodan ayaa noqonaysa doodii ugu horeysay ee uu xisbi gaar u qabto, isla markaana kaga hadlo arrimo taagan, inkastoo xukuumaddu aanay gabi ahaanba ka soo qaybgalin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.