4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 4 , 2017
Wajigii labaad khudbadaha ilaa 7 musharax madaxweyne oo maanta la soo gabagabeeyay

 Sabti, Feberaayo, 04, 2017 (HOL) - Waxaa galabta lagu soo gabagabeeyay xarunta gollaha shacabka dhageysiga khudbadaha ilaa 7 musharax madaxweyne oo dhamaantood soo bandhigay wax qabadkooda haddii ay ku guuleystaan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Musharixiinta maanta baarlamaanka ka hor hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Dr C/naasir Max’ed Cabdulle, C/raxmaan Cabdishakuur Warsame, C/raxmaan Sheekh Max’ed Max’uud Faroole, Cadoow Cali Gees, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, Cali Caaji Warsame, iyo Cabduqaadir Cosoble Cali.

Dhamaan marka la eego musharixiintan waxaa ay khudbadahooda ahaayeen kuwo ku saleysan wax ka qabashada arrimaha amniga, dhaqaallaha, wax ka qabashada musuqmaasuqa iyo tayeeynta hay’addaha dowladda, sida garsoorka iyo waliba sharci dajinta.

Maalinta beri oo ah Axad taariikhdu ku beegan tahay 5 February ayaa lagu waddaa in la soo gabageeyo khudbadaha musharixiinta, iyadoo maalinta Isniinta ahna loo balansan yahay dood ay yeelan doonaan xubnaha u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, Arbacada soo socota  oo ah 8 bishan ayaa sidoo kale ah maalinta loo ballansan yahay  doorashada madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]