4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 4 , 2017
Wasiir Nuux oo mar kale ku guuleystay xubinnimada gollaha shacabka

Sabti, Feberaayo,  04, 2017 (HOL)  -  Waxaa goor dhaw ku soo dhamaantay magaalada Muqdisho doorashada mid ka mid ah 5tii kursi ee gudiga doorashada heer federaal dib ugu celiyeen dowlad gobolleedyada, kadib markii lagu eedeeyay in ay ku soo baxeen hab aan waafaqsaneyn nidaamka doorashada.

Kursiga oo ka mid ah xubnaha laga soo doorto maamulka Hirshabeelle laakiin marka doorashadiisa lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa mar kale ku soo baxay wasiir Max’ed C/llaahi Xassan Nuux oo ku guuleystay 43 cod halka Hinda Cabdullaahi oo la tartantay ay heshay 1 cod, waxaana uu qorshuhu ahaa in kursiga ay ku tartamaa ilaa 6 musharax.

Kursiga ayaa marar badan oo hore lagu murmay, waxaana xusid mudan sanadkii hore muran ka dhashay doorashada kursigan iska horimaad ka dhacay ay ku dhaawacmeen 4 ruux magaalada Jowhar, taasoo keentay in wasiir Nuux laga joojiyay ka qeyb-galka doorashada.

Hasse ahaatee isla magaalada Jowhar doorasho ka dhacday ayaa la sheegay in uu ku soo baxay wasiir Nuux,  balse waxaa mar kale ka biyo diiday isla gudiga doorashada heer federaalka oo ku soo daray shan kursi oo dib loogu celiyay dowlad gobolleedyada.

Kulankii ugu danbeeyay ee gollaha madasha -wada-tashiga ayaa la ogolaaday in uu ka qeyb-gallo doorashada kursigan, taasoo keentay in mar kale uu maanta ku soo baxo.

Qaramada Madoobay ayaa warbixin ay horay u soo saartay uga mamnuucday wasiir Nuux in uu ka mid noqdo xildhibaannada  gollaha shacabka, madaama gudiga doorashada heer federaaal ay iska hortaageen in uu u tartamo kursiga beesha.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]